Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bam caawa lagu weeraray Mid ka mid ah Saldhigyada Booliska Muqdisho

Weerar Bam gacmeed loo adeegsaday ayaa caawa lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa bamka oo meelo badan laga maqlay ayaa lala beegsaday ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa saldhiga degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Rasaas xoog leh oo daqiiqado yar sociotay ayaa qaraxa ka dib halkaas laga maqlay, taasoo ay hawada u ridayeen ciidamada Booliska ee saldhiga ku sugnaa

Qarax ayaa la sheegay inuu geystay qasaare kala duwan, iyadoo wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada Booliska. Ciidamada ayaa qaraxa ka dib baaritaan ka sameeyay xaafadaha ka ag-dhow saldhiga degmada Wadajir.

Ma jiro war ku saabsan weerarkan oo ka soo baxay Maamulka iyo saraakiisha amaanka degmada Wadajir, iyadoo qaraxan uusan aheyn kii ugu horeeyey noociisa ee lala beegsado saldhiga booliska Wadajir iyo saldhigyada la midka ah ee ku yaalla caasimada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis Islaami ah oo weerar ku qaaday goob ay isku aroosayeen Lamaane isku jinsi ah

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo xabsiga dhigtay askar ka badan 80 iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo dhawaan la wareegaya amniga degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---