Allbanaadir.com
NEWS

Amaanka Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar oo si weyn loo adkeenayo (Daawo Sawirada)

Amaanka xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ayaa si weyn loo adkeenayaa, waxaana dayactir lagu sameenayaa koontaroolada hore ee laga soo galo xarunta Dowlada Hooxse oo kutaala Degmada Xamar Weyne.

Koonaroolada laga soo galo xarunta Dowlada Hooxse ayaa markii hore waxaa yaalay dhagxaan iyo ciid, hasa ahaatee waxaa hada la bilaabay in lagu xiro biro xoogan oo u sameesan sida Ganjeel oo kale.

Agaasime ku Xigeenka Waaxda howlaha farsamada dowladda hoose Mudane Bashiir Shuumbe Shuute ayaa shegay in ay muhiim tahay in la sameeyo koontaroolada laga soo galo Xarunta Dowlada Hoose si amniga loo xaqiijio.

Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar waxaa maalmo kahor si rasmi ah ugu shaqo bilaabay maamulka cusub ee gobolka Banaadir, waxaana xaruna hada laga dareemaaa isbadalo ka duwan sidii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo lagu eedeeyey inuu boob ka wado ka kuraasta gobolada Woqooyi

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Aqoonyahanno ku howlan Cilmibaaris muhiim ah

Cabdi Cade

Musharax Si cad u sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade