Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Muuqaal Qurux badan :Munaasabad lagu soo dhaweenayay Duqa Muqdisho oo lagu qabtay London

Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska waxaa lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu taageerayay laguna soo dhaweenayay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.

Munaasabada lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay Masuuliin kala duwan ,Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada London,  iyo marti sharaf lagu casuumay.

Dadkii Munaasabada kasoo qeyb galay kana hadlay waxaa kamid ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG ee  Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxa uuna sheegay Yariisow in uu yahay nin howlkar ah oo kasoo bixi kara Jagada loo dhiibay.

Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay Munaasabadan ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Duqa Cusub ee Muqdisho Ing. Yariisow, waxa ayna sheegeen in masuulkan yahay mid ay ku kalsoon yihiin wax badana ka qaban doona gobolka Banaadir.

Halkaan ka Daawo Munaasabada taageerada Duqa Cusub ee Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Baarlamanka Soomaaliya oo u mahad celiyay Jan Amilcar Schmidt

Caydiid Ali

Isgaarsiinta Mandheera oo hawada ka maqan iyo Ciidamada Jubbaland oo magaaladaasi …

Cabdi Cade

Kooxda Daliban oo qarka u saaran iney qabsato guud ahaan dalka Afghanistan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---