Ajaaniib la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo lagu qabtay Dhoobley (Daawo Sawirro)

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulka Jubbaland gacanta ku dhigeen rag ajaaniib ah oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Saraakiisha dhinaca amaanka maamulka Jubbaland ayaa kusoo bandhigay Dhoobley Sadex nin oo ajaaniib ah oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen Al Shabaab, waxaana ragan laga qabtay tuulo kutaala xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sadaxda nin ee ajaaniibta ah ayaa la sheegay in labo kamid ah u dhasheen dalka Tanzaaniya halka midka sadexaad uu u dhashay dalka Kenya, waxaana ragan gacanta ku haya ciidamada Nabad sugida Jubbaland.

Ragan ajaaniibta ah ee lagu qabtay Duleedka Dhoobley ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ahaayeen kuwa katirsanaa Al Shabaab balse doonayay in ay ka baxsadaan kooxdaasi dibna ugu laabtaan dalalkooda.

Maamulka Jubbaland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin ajaaniibtan ciidankooda gacanta ku dhigeen, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in maamulka uu war kasoo saaro ragan ay qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -