Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo u hanjabtay dadka duubaya muuqaalada Khasaaraha Duqeymaha Iran

Israa’iil , ayaa ceeb iyo fadeexo weyn kala kulantay weerarkii gantaalaha balastiga loo adeegsaday ee xalay lagu qaaday magaalada Tel Aviv iyo caasimadda Israa’iil iyo magaalooyin kale.

Nidaamka difaaca Israa’iil ay ku faani jirtay ayaa ku guul dareestay in ay kahor tagaan gantaalada Iran, waxaana la arkayay gantaalo badan oo ku hoobanaya magaalada Tel Aviv oo gashay xaalad aan horey usoo marin.

Xukuumadda Israa’iil ayaana si weyn u dhibsatay muuqaallada iyo sawirrada gantaalaha lagu weerarayay Tel Aviv ee qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada , kuwaa oo laga arkayay muuqaalo gubanaya, kuwa burburay iyo gantaalo magaalada ku hoobanaya.

Ciidanka Israa’iil ayaana soo saaray amar deg deg ah oo shacabka looga mamnuucayo in muuqaallo iyo sawirro ka duubaan khasaaraha ay dhalinayaan gantaalada Iran iyo muuqaallada iyaga oo ka gudbaya nidaanka difaaca.

“ Wuxuu muteysan doonaa xabsi qofkii dambe ee muuqaallo ama sawirro ka qaada goobaha ay rabshaduhu ka jiraan “ ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska ciidamada Israa’iil.

Israa’iil , ayaa isku dayeysa in ay xakameyso muuqaallada iyo sawirrada weerarada Iran ku qaadeyso Israa’iil , waxa ayna Israa’iil ka go’an in ay qariso khasaaraha kasoo gaaraya weerarada aargoosiga ee Iran qaadeyso.

Related posts

Wasiir katirsanaa Puntland oo iska casilay Xisbiga madaxweyne Deni Raali-gelina bixiyay

Cabdi Cade

Daawo:-5 wasaaradood oo ku yaalla aagga KM4 & Zoobe oo cabsi laga sheegay & Jubaland oo….

admin

Maxkamad kutaalla Belgium-ka oo 15-sanno oo xabsi ah ku riday Siyaasi Idiriss Awaleh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---