Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo caawa lagu dilay Qarax iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Waxaa caawa fiidkii qarax gaari loogu soo xiray oo ka dhacay magaalada Kismaayo lagu dilay Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo katirsanaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanka ayaa gaarigiisa loogu xiray qarax nuuca gaadiidka hoosta loogu xiro, waxa uuna  dhacay qaraxaasi xili uu Xildhibaanka kasoo baxay gurigiisa uuna magaalada u socday.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyey geerida AUN Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi, waxa uuna amray laamaha amaanka in ay baaraan qaraxa lagu dilay Xildhibaanka.

Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan caawa lagu dilay  Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo katirsanaa Baarlamaanka labaad dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaana caawa baaritaano ka sameeyay magaalada Kismaayo, mana jiro ilaa hada cid ciidamada amaanka usoo xireen qaraxan gaariga lagu soo xiray ee lagu dilay Xildhibaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo saaka la weeraray

Caydiid Ali

Kulan deg deg ah oo Muqdisho uga socda Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Magaalooyinka Somalia oo laga mamnuucay Mooto bajaajka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---