Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw Taalada Daljirka Dahsoon gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta .

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw kaalin Shidaal oo ku taala agagaarka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta, waxaana qaraxa uu sababay in dab xoogan ka kaco kaalinta shidaalka.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa kuyaala maqaayad dadku ka cunteeyaan iyo xarumo kale oo ganacsi, waxaana qaraxan lagu soo waramayaa in uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawav.

Kaalinta Shidaalka uu ka dhacay qaraxa agteeda ayaa dab xoogan uu qabsaday, waxaana goobtaasi gaari gaadiidka dab damiska oo isku dayaya in ay damiyaan dabka uu sababay qaraxa ee qabsaday kaalinta Shidaalka.

Ciidamada amaanka ayaa gabi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobtaasi wali kusii qul qulaya gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa.

Waxii warar ah ee qaraxan kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -