Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku weerartay Markabka dagaalka USS Greeley

Afhayeen u hadlay kooxda Ansarullah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Badda Cas ku weerareen Markabka dagaalka USS Greeley ee ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Qoraal ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in weli ay sii wadayaan weerarka maraakiibta Israel iyo kuwa ku socdo dakadahooda ilaa inta dagaalka Gaza la joojinayo lagana qaadayo xayiraadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday gantaal laga soo tuuray Yemen. Taliska dhexe ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta.

Waxay sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan gantaalkan oo ku soo aaday xili Maraakiibta ganacsiga ee Shirkadaha caalamiga ah ay joojiyeen isticmaalka badda Cas.

 

Related posts

Mahdi Guuleed: “Kenya waxay Axmed Madoobe saartay culeys xad-dhaaf ah”

Caydiid Ali

Ciidamada Danab iyo Ciidamo Mareykan ah oo howlgal dhiig ku daatay ka fuliyay Jilib

Cabdi Cade

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay Jid cusub oo laga dhisayo Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---