Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax xoogan caawa fiidnimadii laga maqlay magaaladaas.

Qaraxan ayey wararku sheegayaan inuu ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray saldhiga ciidanka Booliska Puntland ee Biyo-kulule oo ku yaalla bariga magaalada Boosaaso.

Ciidamada amaanka ee ku sugnaa saldhigaas ayaa qaraxa ka dib furay rasaas, iyagoo agagaarka saldhiga ka sameeyey howlgalo ay ku baadi goobayaan raggii qaraxaas ka dambeeyey oo baxsaday.

Lama oga illaa hadda inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxan iyo in kale, iyadoo saraakiisha amaanka magaalada Boosaaso aysan weli ka hadlin.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay qaraxan haddana qaraxyo la mid ah iyo dilal horey uga dhacay magaalada ayaa waxaa sheegtay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo dagaal kula jira maamulka Puntland ee halkaas ka arrimiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -