Khilaafka gacan ka hadalka sababay ee u dhaxeeya dowladaha Pakistan iyo Hindiya, ayaan wali laga gaarin xal buuxa, waxa ayna labada dal kala hirgaliyeen heshiiskii xabbad-joojinta ee lagu hakinayay dagaalkii ka dhax qarxay isbuucyo kahor labada dal.
Dowladda Pakistan, ayaa intii uu socday dagaalkii maalmaha looban dhax maray iyaga iyo dowladda Hindiya , waxa ay hawadeeda ka mamnuucday in ay adeegsadaan diyaaradaha laga leeyahay dalka Hindiya iyo kuwa kale ee xiriirka leh .
Pakistan , ayaana mar kale sii kordhisay muddada ay hawada dalkeeda ka mamnuucday in ay addegsadaan diyaaradaha Hindiya iyo kuwa xiriirka la leh, waxaana la gaarsiiyay mamnuucitaankaasi illaa 24 bisha soo socota ee June 2025.
Tallaabadan cusub ay qaaday dowladda Pakistan ayaana u muuqda mid uga sii daraya xiisadii kala dhaxeysay Hindiya, waxa uuna go’aankan muujinayaa in wali aysan labada dal xal ka gaarin khikaafka sababay gacan kahadalka dhiigga badan ku daatay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com