Nin ka badbaaday weerarkii New Zealand laguna dilay Xaaskiisa oo cafiyay Dilaaga ! (Sawirro)

Farhid Axmed oo 50 sano jir ah ayaa ka mid ahaa Dadkii ka badbaaday weerarkii jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday Masjidka al Al Nour ee magaalada Christchurch, hasa ahaatee ninkan ayaa weerarkaas ku waayay  Xaaskiisa Husna uu aad u jeclaa.

Farhid Axmed oo ah Nin Curyaan ah oo ku socda gawaarida Curyaamada ( wheelchair ) ayaa wareysi uu siiyay Wakaalada Wararka Reuters ku sheegay in uu cafiyay ninkii weerarka fuliyay iyo cid kasta oo ku taageertay falkaasi foosha xun.

”Waxaan rabaa inaan fariin u diro Ninka sameeyay falkaas , ama qofkasta oo jecelaaday ficilkaas , inaan cafiyay dilaaga , walina aan jecelahay , kuma raacsani waxa uu sameeyay iyo Go’aanka khaldanaa ee uu qaatay,” ayuu yiri Farhid Axmed.

Farhid Ahmed ayaa markii weerarka lagu soo qaaday masjidka ku jiray qol ka tirsan qolalka misaajidka , inkastoo dilaagu uusan soo galin qolkaas, waxa uuna farxad sheegay in aad u cabsaday  xiligaasi.

”Marka aan xabadaha maqlay dad badana ay si xoog leh u qeeyliyeen , waxaan xaqiiqsaday laba arin oo ah in xabadaha dadka misaajidka lagu leeynayo iyo in ay tahay maalinka Aduunka iigu dambeeysa ee nolosheeyda ” ayuu yiri. Farhid Axmed.

Cunsuri Brenton Tarrant, 28 jir ah ayaa ka dambeeyay weerarkii jimcaha lagu dilay 50-qof oo muslimiin ah oo ku cibaadeesanayay  labo masjid oo kuyaala dalka New Zealand, waxaana dilaaga lagu wadaa in Maxkamad mar kale lasoo taago 5-ta bisha April.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -