Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuuradaha oo laga mamnuucay iney dul maraan Xabsiyada dalka Norwey (Sababta)

Sideed xabsi oo ku yaalla dalka Norwey ayaa laga mamnuucay iney dul-haadaan dayuuradaha yar yar.

Mamnuucida ayaa quseyso Xabsiyada kala ah Bergen, kan Halden, Ringerike, Stavanger, Telemark, Trondheim, Romerike iyo xabsiga Baeum.

Dayuuradaha ayaan loo ogoleyn iney xabsiyadaas dushooda ku maraan cabir ka hooseeya 926 mitir oo dusha sare ah, iyadoo amarkan uusan khusaynin diyaaradaha ay isticmaalaan milateriga, booliiska, iyo hay’adaha gurmadka deg deg ah.

Xabsiyadan ayaa loogu talo galay in maxaabiista xukunada ciqaabta lagu rido qaasatan kuwa qatarta ku ah bulshada. Mamnuucistan ayaa timid kadib markii waaxda asluubta ee KDI ay xiriir la samaysay hay’adda duulista hawada una gudbisay baahidda ku aadan in duulimaadyada laga mamnuuco xabsiyada dushooda.

Waaxdu waxay sheegtay in mamnuucistani ay yarayn karto khatarta ku aadan in dayuuradaha Drone-ka iyo kuwa lagu ogaado dhismayaasha in loo isticmaalo isku gudbinta daroogada iyo hubka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowlada oo is hortaag ku sameeyay Odayaal doonayay in ay tagaan Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo diyaarisay qorshe lagu fashilinayo kursiga Xildhibaanimo uu doontay C/Raxmaan C/shakuur

Cabdi Cade

Dood adag oo ka taagan hub 8-Bilyan Dollar looga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---