Sudan oo ogolaatay codsi ka yimid dowlada Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Axmed Shoole oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalkan Sarreya Guud Xaatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa kala hadlay xaaladda maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalkan, kaddib kormeer uu ugu tagay maxaabiis ku jirtay xabsiga Koobar.

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Suudaan fulinta codsigii Safaaradda ee ku aaddanaa in laga wareejiyo maxaabiista soomaaliyeed xabsigii hore ee ay ku jireen, loona wareejiyey xabsi kale oo ay codsadeen, arrintaas oo haatan ay fulisay Dowladda Suudan.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan ayaa ammaanay hab-dhaqanka wanaagsan ee Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, waxa uuna tilmaamay in lix qof oo kaliya ay yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka, taas oo noqonaysa mid aad u yar markii loo eego tirade guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan.

Sarreya Guud Xaatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa Safiirka uga warbixiyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Lixda ah ee ku jira xabsiyada dalkan, dacwadaha lagu soo oogay, xukunnada lagu riday iyo muddada ay haatan xiran yihiin.

Danjire Shoole ayaa u gudbiyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta labada ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -