Siyaasiyiinta waaweyn ee Mucaaradsan Dowlada Somalia ayaa maanta iskugu tagay mowlaca Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku soo bandhigayaan dhoolatus siyaasadeed iyo kulamo ku saabsan sidii madaxda DF loogu qasbi lahaa iney qabtaan doorasho loo dhan yahay.
Shirka Waxaana kao qeyb galay Siyaasiyiinta Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed RW hore Hassan Ali Kheyre iyo Cumar C/rashiid, Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame, Gudoomiyihii hore ee baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Siyaasiyiin kale.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlayaa Xaalada Siyaasadeed ee uu dalka iyo sidii laga yeeli lahaa Dowlada hadda jirtana loola Xisaabtami lahaa.
Culayska mucaaradka ayaa laga dareemayaa Maanta wixii ka dambeeyana waxaa lafilan karaa inay burqadaan mowjado diidmo ah oo madaxtooyada ka dhan ah.
Sidan oo kale sadex sano ka hor mucaaradkii dowladii Farmaajo ayaa ku shiray mowlaca Macalin Nuur, waxaana hogaaminayey Madaxweynaha xilka haya Xassan Shiikh Maxamuud, iyadoo waxa la diidanaa xiligaas ay aheyd doorashadii qofka iyo codka aheyd ee uu doonayey Farmaajo, maanta isla arrintaas ayaa lagu diidan yahay dowlada Xassan Shiikh taasoo ka dhigan in dhacdoyinka aysan isbedelin balse ay isbedeleen wajiyada qaar.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA