Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Matabaan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay soo gaareen degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Dadka degmada ay horkacayaan Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ayaa waxa ay kusoo dhaweeyeen banaanka degmada Matabaan.

“Ugu horreyn waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta aan loo kala harin ee maanta ii sameeyeen dadka Matabaan.

Runtii miraha Dowladnimada ayay guran doonaan oo waxaan xarigga ka jari doonaa haddii uu Alle idmo mashaariicdii ugu waaweyneyd ee taariikhda laga hirgeliyo Mataabaan iyo deegaanada ku xeeran.” ayuu yiri Cali Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tilmaamay in la soo gaaray waqtigii ay ku diirsan lahaayeen dadka adeega Dowladnimada.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa la sheegay iney markii hore dayuurad ku tageen degmada Guriceel oo ka tirsan degaamada Galmudug, iyagoo ka dibna safar dhulka ah ku gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

default

default

Related posts

C/raxmaan C/shakuur ” Ma aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho”

admin

Dowladda oo Faah faahisay weerar Al Shabaab looga dilay in ka badan 150 Dagaalyahan

Cabdi Cade

(Sawirro) Meydka Xildhibaan Max’uud Seesey oo aas Qaran loo sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---