Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo cunaqabateyn adag saaray Milatariga Sudan iyo Imaaraadka oo….

Dowladda Mareykanka , ayaa cunaqabateyn adag saartay milatariga dalka Sudan, oo ay ku eedeeysay in dagaalka ay kula jiraan ciidanka gurmadka degdegga ee RSF u adeegsadeen hubka kiimikada ee mamnuuca ka ah dagaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu shaaciyay cunaqabateynta la saaray milatariga Sudan, waxa ayna Wasaaradda sheegtay in milatariga hubka kiimikada u adeegsadeen dagaal ay RSF la galeen sannadkii 2024-kii.

Milatariga talada dalka Sudan haya ayaana marar badan beeniyay in dagaalka ay kula jiraan RSF u adeegsaeeen wax kiimiko ah, waxa ayna caddeeyeen in eedeyntaasi ay tahay mid waxbo kama jiraan ah ayna gadaal ka riixayaan cadawga Sudan.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriir la leh kooxda RSF ee dagaalka jira milatariga, ayaa la tuhmayaa in Madaxweyne Donalnad Trump ku qalqaaliyeen in cunaqabateyn saaro milatariga Sudan , oo marar badan Imaaraadka ku eedeeyay colaada Sudan kana gudbiyay dacwado kala duwan.

Go’aanka ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka , ayaa kusoo aadaya xilli dhaxal-sugaha  Sacuudiga, Maxamed Bin Salman uu ku guuldarraystay in Madaxweyne Trump ku qanciyo taageerrada milatariga Suudaan , waxa uuna taa baddalkeeda Trump saaray milatariga Sudan cunaqabateyn.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Muxuu Safiirka Mareykanka kala hadlay Mucaaradka K/Galbeed?

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay dad horey loogu xirxiray afgembigii fashilmay ee Turkiga

Caydiid Ali

Odowaa: “Ma jirto sabab aan hambalyo ugu diro doorasho Cadaalad daro ku timid”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---