C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay qaabkii khudbadiisa looga reebay xaflada caleemo saarka

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay habkii ay u dhacday xafladii caleemo saarka Madaxweynaha Puntland iyo qaabka isaga looga reebay khudbadii uu halkaas ka jeedin lahaa.

Wareysi uu siiyey qaar ka mid ah warbaahinta Puntland ayuu ku sheegay in khudbadiisa arrinta ku saabsan ay taagneyd labo maalmood, ilaa markii dambe ay madaxtooyada soo faragelisay oo la isku xiray khudbadiisa iyo ka soo qeybgalka madaxda dalka taasoo uu sheegay iney aheyd wax lala yaabo.

Waxaa uu sheegay in xaflada caleemo saarka ay uga soo qeyb galeen oo kaliya iney u hambalyeeyaan madaxweynaha cusub ee Puntland aysana isaga qorshaha ugu jirin inuu dowlada ka dhaleeceeyo halkaas, balse waxaa uu sheegay in taas bedelkeed ay madaxda Villa Somalia siyaasadeeyeen khudbadii uu ka jeedin lahaa.

Waxaa uu sheegay in markii uu ka soo degayey garoonka Garoowe loo diiday taageerayaasha xisbigiisa oo watay boorar iyo sawiro iney isaga soo dhoweeyaan iyadoo marmarsiiyo laga dhigtay inaan la ogoleyn arrimo ka baxsan xaflada caleemo saarka, balse waxaa uu sheegay in taas bedelkeed Madaxweyne Farmaajo loo soo dhoweeyey sidii nin ku jira olole doorasho oo kale, ayna jireen dad ku soo lebistay funaanado lagu sawiray Madaxweynaha, taasoo ka baxsan ayuu yiri hab maamuuskii loogu talo galay soo dhoweynta caadiga ah ee Madaxweynaha.

Waxaa tilmaamay in madaxtooyada iyo Madaxweyne Farmaajo ay shaqo ka dhigteen dabagalka iyo jalaafada xisbiga Wadajir iyo hoggaankiisa isagoo xusay in sababtu tahay doorkii uu ku lahaa in la rido Farmaajo sannadkii 2011 markii uu ahaa Raisal Wasaaraha dalka “Kampala Accord”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhinaca kale beeniyey inuu xiriir hoose ah la leeyahay dowlado shisheeye, waxa uuna ku tilmaamay in eedeymaha noocaas ah ay yihiin kuwo lagu baneysanayo xadgudubkiisa iyo dhaawaca karaamadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -