Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israel oo tacadiyo culus ka geystay Isbitalka Kamal Adwan

Ciidamada Isra’il ayaa la xaqiijiyay in ay xireen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza, kaddib marki ay weerareen Jimcihii.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha Isbitaalka Kamal Cudwan. Qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ciidamada xiray agaasimaha Isbitaalka ay aad u garaaceen.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in isbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan. Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas.

Xamas ayaa eedahaas iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan. War kasoo baxay Xamaas ayay Sabtidi ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah in ay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo isbitaallada yar ee hadda shaqeeya ee ku yaalla waqooyiga Gaza.

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo Magacaabay 8-xubnood oo katirsan Guddiga Doorashada (Magacyada)

Cabdi Cade

Cumar Filish: “Ma aqbaleyno in jidadka caasimada si micno daro ah loogu gubo taayiro”

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :-Maxaa sababay in saddex jeer la Cadaabo qoomkii loo diray Nebi Shuceyb CS?

admin
Taboola Ads ---