Matoor isagoo gubanaya ka soo dhacay dayuurad oo xaafad ku habsaday (Sawirro)

Dayuurad nooceedu yahay Boieng ayaa guryo ku yaalla magaalada Denver qayba ka mid ah matoorkeeda oo ololaya ku soo duldhacay guryo magaaladaasi ku yaalla.

Diyaaradda Boeing 777, oo ay saarnaayeen rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, ayaa si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Denver. Wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Boolisa magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaa ayaa sheegay qarax aad u weyn iney maqleen waxyar kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay.

Diyaaradda duullimaadkeeda oo ku diiwaan gashanaa 328, oo ah diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaraaha United Airlines waxay ku sii jeedday Honolulu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -