Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Banaadir oo faahfaahin ka bixiyey dilal maanta ka dhacay Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay dilal ka dhacay maanta degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta kula hadlay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon halkaasoo lagu dilay ruux bistoolad ku hubeysnaa oo damacsanaa inuu dilo askari balse isagii la dilay.

Ruux kale ayuu sheegay in Degmada Yaaqshiid uu ku dilay askari hase ahaatee ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen, waxaana uu bogaadiyay ciidamada oo uu sheegay in dedaal dheeraad ah ay muujiyeen.

“Waxaan ku amaanaya Ciidamada Amniga sida ay uga hortageen dhagarta ay damacsanaayeen kooxaha nabad-diidka kuwaasoo qaarkood maanta toogasho lagu dilay kadib markii ay isku dayeen iney dil geystaan halka mid kale oo dhagar qabe ahna gacanta lagu dhigay” ayuu yiri Tuulax.

Gudoomiye Tuuulax waxa uu ku dheeraaday wax uu ku tilmaamay wada shaqeynta wanaagsan ee shacabka iyo ciidamada ammaanka dhexmarta taasoo uu sheegay iney udub dhexaad u tahay sugida amniga caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Golaha Wasiirada oo Magacaabay Guddiga Doorashoyinka Qaranka

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Caydiid Ali

Dowlada Turkiga oo xabsiga dhigtay askar ka badan 80 iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---