Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Akhriso) Labo qodob oo ka soo baxay shirkii Madaxweyne Farmaajo & Madaxda dowlad goboleedyada

Kulankii uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ee maanta ka dhacay magaalada Garowe, ayna ka qeyb galeen madaxweyne Farmaajo madaxa maamul goboleedyada iyo madaxdii hore ee dalka ayaa waxaa ka soo baxay dhowr qodob.

Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Shiikh Max’uud iyo Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kulanka ka dib ayaa shir waxaa yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada, waxaana la isku afgartay labo qodob oo kala ahaa:-

1-In la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada.

2-In labada dhinac shir ku yeeshaan magaalada Muqdidsho iyadoo uu shirkaasi waqtiga la qabanayo uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne Farmaajo.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka jira ee sababay in la wada shaqeyn waayo, waxayna ku balameen in horumarka dalka la wada shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gaas oo ka hadlay doorashadii gudoonka Baarlamanka & khilaafka Somalia & Imaaraadka

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga oo la sheegay in aysan ku jirin Guuto dagaallami karta

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh & dhigiisa William Ruto? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---