Xukuumada iyo Xilalkeeda Maxaa Reeraha u Jecelyihiin in ay ka dhax muuqdaan? !!

Waxa aad in badan aragtaa iyada oo la isku haysto xilalka qaranka iyo qaabka loo wadaagayo, iyo sida wax loo qaybsanayaa nooca ay noqonayso iyo qabiil waliba waxa uu helayo iyo waxyaabo noocaas ah.

Haddaba waxa ay ila tahay in loo jecel yahay xilalka qaranka in beel waliba ka muuqato markii aan in badan daraasadeeyay waxa uun aan u fahmay in ay tahay laba nooc marka loo eego habdhaqanka dawladnimada somalida;

1- Midi waa sareyn ( kind of superiority ), oo faankeeda iyo hawlaheega harawsiga ah wadata, oo hadii ay beeshii ay iska dhex arki waydo ay u qaadanayso in la yasay ama la yaraystay, marka noocan loo xisaabtamayo ee hab-dhaqankani lagu shaqeynayona way ku saxsan yihiin.

2- Mida labaadna waa maadaama nidaamka shaqaaleynta iyo adeegyada dawladu bixiso aanay sidii loogu talagalay dadka u wada gaadhin oo ah nidaam cadaaladeed oo ku salaysan baahiyaha ay dadku qabaan, in ay masuulkan xukuumada ugu jira ay ka doonaan shaqaaleyn iyo waxqabad iyaga oo laftooduna ma qaldana marka habdhaqanka noocan ahi shaqeynayo.

Haddaba marka aynu ka hadlayno dawladnimo sax ah oo habdhaqankeeda iyo qaabka ay u shaqeynayso aynu qeexayno labadan qaybood ee aan idhi waa sax labaduba waa qalad sababtuna waxa ay tahay;

▪ Hadii reerkiinu ama deegaanka aad ka soo jeedaa xukuumada ku yar yahay ama laga tago, beeshaada lama yasin lamana yareysan ee qofkii qaranka u shaqeynayey ayuun baan la idinka dhex xulan , dawladnimada iyo nidaamka maamulkana kuma xidhna sareynta iyo hooseynta dadkaagu ee ogsoonow.

▪ Masuulka xukuumada lagu daraa ee loo magacaabaa waxa uu u shaqeynayaa qaranka, qarankuna waa dadka dalka ku nool oo dhan in uu kala xigtaysto iyo in uu u kala eexdo midna lama rabo, shaqaaleynta iyo nidaamka xuquuqaha ay beeshaa ama deegaankaasi ku helayaana waxa lagula xisaabtamayaa Hay’adaha ku shaqada leh baahiyahooga.

Markaa habdhaqanka iyo nidaamka noocan ahi waa wax in badan lagu soo shaqeynayey oo dhex galay habdhaqankii bulshada iyo afkaarahoogii sida loo badan yahay una baahan in loo bisleeyo dawladnimo hadii  qaranku u baahdo Saddex walaalo ah xilal loo magacaabi karo, iyaga oo aan loo nisbaynayn walaalnimadooda, qabiil iyo deegaan midna.

Runtii lama yaabani sida ay dadku u xisaabtamayaan iyo sida ay wax u arkayaan oo waa sida inta ugu badan maanta dadkeena iyo nidaamkeena siyaasadu ku shaqeeyo oo waxa uun ay qaabilsan tahay waaqica dalka ka jira.

Waa hawl adag oo ina hortaala inteena sabankan nool in aynu xalino oo ay dadkeena dambe iyo caruuraheenu helaan dawladnimo bisil oo sal adag leh oo hab fikirka iyo qaabka loo xisaabtamayaana uu taagan yahay meel aad uga sareysa halka aynu maanta ka fikirayno.

Aragtidayda uun baan hadlay.

W/Q Mohamed Jamac Muhamed Dhimbiil

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -