Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Eedeysane Anthony Thomas Cox oo lagu weeraray Xabsiga dhexe ee Muqdisho

Rag maxaabiis ah ayaa la sheegay iney xabsiga weyn ee Muqdisho ku dhaawaceen Anthony Thomas Cox oo ahaa ninkii ajnabiga ahaa ee dhowaan laga soo qabtay Garoonka Dayuuradaha Muqdisho, kadib markii lagu qabtay inuu watay sunta loo adeegsado qiiqa dadka ka ilmeysiiya.

Maxbuuskan ajnabiga ah oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in xabsiga lagu sii hayo ayaa la sheegay inay xabsiga dhexdiisa ku weerareen maxaabiis u xiran argagaxisenimo oo Sakiin watay.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Xabsiga Dhexe Eedeysane Anthony Thomas ayaa waxaa Dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qoorta, iyadoo dhaawacyada lagu sheegay kuwo fudud, waxaana halkaasi ku dabiibaya dhaqaatiirta xabsiga dhexe.

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo qaabilsan ilaalinta amaanka xabsiyada dalka Ayaan illaa hadda war ka soo saarin dhacdadan lagu dhaawacay ninka britishka ah ee xabsiga ku xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil tababar adag loogu soo xiray xerada Turksom (Sawirro)

Caydiid Ali

TPLF oo qeylo dhaan u dirtay Beesha Caalamka xilli uu xaalka kusii xumaanayo

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Madasha Dooxa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---