Taliyihii Milatariga Itoobiya iyo saraakiil kale oo la dilay iyo Abiy oo ka hadlay 

Wararka ka imaanaya magaalada Bahir Dar ee caasimada gobolka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in wali magaaladaasi ay ka jirto xaalad kacsanaan ah kadib afgambi fashilmay oo shalay halkaasi ka dhacay.

Xoogag hubeesan ayaa dilay taliyihii ciidanka Milatariga dalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo kasoo jeeday Qowmiyada amxaarada, waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in xubno masuuliyiin ah iyana lagu dilay gobolka Amxaarada.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo isaga oo xiran darees milatari kasoo muuqday Telefishinka dalkaasi ayaa xaqiijiyay in la dilay taliyihii ciidanka Milatariga iyo saraakiil kale oo ciidanka Qaranka Itoobiya kamid ah.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed in qolo calooshood u shaqeestayaal ay dileen taliyaha milatariga iyo sidoo kale saraakiil kale, waxa uu sidoo kale xusay in ay isku dayeen in ay sameeyaan afgambi.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna xusay in rag saaxiibadoo ah ay laayeen.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta caasimada maamulka Amxaarada Itoobiya ee Bahir Dar, waxaana meelaha qaar lasoo sheegayaa in ay ka dhacayaan rasaas, waxaana la geeyay magaalada ciidamo aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -