Wasiirka Amniga oo ka digay Hab dhaqanka qaar kamid ah Masuuliyiinta dowladda

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur oo maanta ka qeyb galay munaasabad ka dhacday xarunta taraafikada ayaa ka hadlay qaladaadka ay sameeyaan masuuliyiinta dowladda ee isticmaala laamiyada Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka in gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda in ay sameeyaan qaladaad badan ayna maraan waddo aan aheyn middii saxda aheyd mararka qaarna ay gaadiidka dul marsiiyaan marsho biyeedka.

Wasiirka amniga ayaana uga digay masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidanka in ay ku xadgudbaan nidaamka waddo marista, waxa uuna ugu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta ciidanka ilaalada waddooyinka ee ku sugan jidadka.

“Mas’uuliyiinta Dowladda waa in ay hagaajiyaan shuruucda waddo marista, madaxdu waa in ay tusaale shacabka u noqdaan oo aanay Gaadiidkooda ka gudbin marsho-biyeediga ama aanay marin dhinac aysan waddada ka lahayn” ayuu yiri wasiirka amniga.

Gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda iyo ciidamada ayaana inta badan ku xadgudba sharciga wado marista, waxa ayna gaadiidkooda la maraan waddooyin qaldan marka uu laamiga cariiri ka jiro iyaga oo sidoo kale dhagaha ka fureesta ammarada taraafikada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -