Wax badan ka baro Asaaska Dowladnimada iyo waxa ay tahay

Sida aan wada ogsoonahay waxkasta oo adduunka ka jira waxay leeyihiin tiirar ama astaamo ugooniya oo lagu yaqaan ama bartilmaameedyo lagu asteeyay shaygaas.Haddaba qaranku waxa uu leeyahay astaamo iyo tiirar ugooniya uu uga soocan yahay hay’adaha kale ee dowladda.

Haddaba qaran ama dowlad waa maxay?

Qaranku waa hab-dhis ka kooban tiirar habaysan oo ilaaliya, xadeeya, xaliya, xukma, bixiya, aruursha addeeg kasta oo bulsho ubaahato, kuwaas oo kuwada nool hal wadan, lehna sharciyo, qaanuun kala haga, astaan, calan, dastuur, garsoor, af, dhaqan, Diin, madaxbanaani, kala dambayn, dhaqan-dhaqaale IWM ayaa la dhahaa Qaran ama dowlad.

Haddii intaas kor ku xusan laga waayo waxay noqonaysaa wax kale ee ma ahan dowlad. Dowladu waxay leedahay dad, dal, diin, af, calan, xuduud ama soohdin lagu yaqaan, garsoor madax-banaan, ciidan qaran, Hay’ado IWM. Dowladu waa mid aan lagu soo xadgudbin, leh maqaam sare, sharci wax fuliya, go’aan geesinimo iyo kala dambayn.Midaas oo lagu maamulo, laguna maareeyo bulshada si loo kala jiheeyo, laguna carbiyo dowladnimo.

Dowladnimadu waa midda bixisa addeegga bulshada sida, Caafimaadka, Biyaha, Deegaamaynta, Garsoorka, Ammaanka, Hu’ Hoy IWM.Intaas oo dhan ma bixin karto waxaan ahayn qaran, lagama helo qabiil iyo dad meel degan.Waxaa haboon in bulshadu kala garato qaran iyo qabiil.

Qabiilku waa dad meel wadadagan oo isku hilib ah yacni bah wadaag ah kuwaas oo isku garta, iskuna soodhaweysta farac iyo sinji.Balse qaranku waa ka duwan yahay qabiilka, isagu waa bulsho kala duwan oo hayb wadaagin haddana ka dhaxayso shaqo qaran, bulsho iyo astaan qaran oo dadku uwada simanyahay guud ahaan axwaasha.Haddaba haddii aan kala fahanay qaran iyo qabiil waxaan rabaa in aan ka hadlo asaaska dowladda.

Asaaska Dowladnimada

  1. Calan:- Tiirarka dowladnimada waxaa ka mid ah in aad leedahay calan kuu gooniya oo adduunka oo dhan kuu aqoonsanyahay. Waana midka xadeeya ama kala sooca waddamada caalamka ka jira oo idil.Waana astaanta ugu horaysa oo lagu aqoonsado in dal leeyahay oo ukhaasa.Waxaad inbadan aragtaa madaxweyne ka socda dal oo booqanaya dalkale, waxa ugu horeeya ee lagu soodhaweeyo waa calanka dalkaas uu leeyahay, haddii uusan lahayn calan, lama dhihi karo waa wadan jira. Haddaba calanku wuxuu leeyahay astaamo ugooniya oo lagu yaqaano tusaale ahaan Calanka Soomaaliya waa buluug khafiif ah, waxa uuna leeyahay xidig leh shan gees oo ka turjumaysa shanta Soomaali iyo heeso ugooniya oo looqaado iyo kaban ugooniya.

2-Af:- Afku waxa uu ka midyahay waxyaalaha lagu garto dal madaxbanaan luuqada uu ku hadlo. Afkaas waa in uu leeyahay qoraal laqori karo, laguna hadlo. Dadka Soomaaliya waxay leeyihiin af ugooniya oo dhammaan Shanta Soomaali meel walba oo adduunka ka joogaan kuwada hadlaan. Ma jirto af kale oo lagu hadlo aan ka ahayn midka aan wada leenahay. Qof kasta oo kamida Soomaalida waxa uu ku faanaa Luuqadiisa, waxna ku qoraa, kuna akhriyaa.Waana waxa aan ugu duwanahay dadyowga dunida kale.

Waddama aan deriska nahay waxay ku hadlaan Luuqado kala gooniya, waxaa lagayaabaa in hal dal ay kuwada noolyihiin dad kala duwan oo kala af ah, dhaqan, kala diin, haddana aan isfahmayn balse anagu waan ka duwanahay dadkaas oo waxaan haysanaa hal luuqad oo keliya.

Bulshada Soomaaliyeed waa dadka loo yaqaan bulshadii suugaanta ama gabayada.Waxay ka simanyihiin dhammaantood in ay ka kooban yihiin mid tiriya iyo mid xafida.Waana sababta loo yiri bulshadii gabayada. Waana sababta aan maanta anagoo dalal reer galbeeda inta nooyimaadeen beddeli waayeen af-keena hooyo, halka dalalka kale ee ay guumaysan jireen ku hadlaan waddankasta  waddankii guumaystay luuqadiisii, laakiin anagu waan ka duwanahay dadkaas oo dhan. Waxaana sabab u ahaa dadkii hore oo ahaa dad suugaanta wax iskugu gudbiya, waxa uuna ahaa fariinta keliya oo lagu wada xiriiro.

Tusaale ahaan, waagii hore ma jirin isgaarsiin, sidoo kalena ma jirin aalad kale oo lagu xidhiidho. Qof ayaa safar gelaya waxa uuna aadi jiray magaalo ama baadiye, waxaa loo siidhiibi jiray fariin suugaaneed lagu cabiray hadafka ay xambaarsan tahay balse qoraal ma jirine waa uu xafidi jiray waxaana suuragal ahayd in uusan fahansanayn ujeedka fariintaan asii uu qeybay oo keliya. Waxaase mudnaanta leh in qofka loowado lagaarsiiyo qofkiina uu fahmo ujeedka fariinta.Waxa uuna ku jawaabi jiray fariin suugaaneed uu fahmaayo qofkii kale.

  1. Diin:- Shacabka Soomaalida waxay ubadanyihiin dad Islaam ah 100%. Waxaana uu ka midyahay dalalka ugu horeeya ee dadkiisu wada Muslim yahay. Waana mid Alle Subxaana watacaalaa ugu galadaystay ummadda Soomaaliyeed, wax la helo oo nimcooyinka Alle baxsho midda ugu horaysa ee inta dunida lajoogo waa Muslinimada.

Haddii aan nahay dal muslim ah, dadkiisuna muslimyahay, isku afna yahay, hal calana leenahay maxaa inoo diidaya in aan dalkeena ilaashano oo dhexda uxirano sidii aan horumar ugaarsiin karno. Dalalka deriska ah intooda badan waxay ka koobanyihiin dad islaam ah oo muslim ah iyo dad kiristaan ah, saas oo ay tahay waxay ka midaysanyihiin ilaalinta, karaamada iyo sumcadda dalkooda. Waxa keliya ee isku xiraya waa sharciga uyaal iyo in mid walba xil iska saaray ilaalinta dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa.Waxayna hal meel uga soo wada jeesteen cid kasta oo ka hor imaanaysa dantooda, waxayna diideen in la burbursho dalkooda. Balse annaga waxaan ku dadaalnaa sidii aan dalkaan uburburin lahayn, sida aan doono uga yeeli lahayn midaas oo sababtay in ummaddii Soomaaliyeed kala irdhowdo, kala shakido, nin walbana xero ooto.

Waxaa haboon in aan Alle ka cabso, utoobadkeeno, waxkasta oo horay noo soomarayna aan iska Ilowno oo Alle dartiis wax walba usaamaxno. Waxaa nahay dad walaalo ah, isku sinji ah oo muslim ah, haddii mid inaga inakamida xanuunsado waxaa ugurmada qof kasta oo islaam ah, wuxuuna dhexda uxirtaa sidii uu uga qeyb qaadan lahaa caawinta walaalkiisa, ileen waxaa nahay hal jismi oo xubin ka mida jismigaas hadday xanuun sato waxaa la damqanaya dhammaan jirka oo dhan. Waa in aan wadda jir wax walba ku wajahnaa xarigga Eebbena wada qabsanaa, Allena utoobadkeena.

  1. Dhaqan:- Ummadaha adduunka waxay qowmiyad kasta ku faantaa oo leedahay dhaqan ugooniya oo iyaga caan ku yihiin. Dadka Soomaalida waxay leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ay iska dhaxleen ka-ab-ka-ab. Jiil kasta waxa uu kan ku xiga ugudbiyaa dhaqankii ay lahaan jireen, wayna ku faani jireen.

Dhaqanka Soomaalida waa midka loogu jecelyahay adduunka, waana dhaqan ummadaha kale goortay arkaan uwada istaagaan oo waxay isku dayaan in ay bartaan dhaqanka Soomaalida, ayna ciyaaraan.Haddiiba anagoo Islaam ah, haddana isku dhaqan ah maxaa inoo diiday in aan gacmaha isqabsano, danteena umidowno, horumarka dalkana aynu kawada shaqayno si horumar ugaarsiino.Waxaana bogaadinayaa da’yarta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, bartaan dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed si dhammaanteen aan dadka kale iyo dalalka adduunka ugu faano dhaqankeena soojireenka ah.

  1. Qaran:- Waxa keliya oo ina wada deeqa, nagu filan naga badan, adduunka intiisa kalena nagu ixtiraamayo waa Qarankeena qiimaha leh. Qabiil wax kuuma taraayo balse waxa wax kuu qaban kara waa qaran, waana midka keliya ee aan horumar ku gaari karno. Qarankuna waa astaanta keliya ee aan ku faano.Waana waxa nala ku qiimaynaayo ee dunidana ula loola mikarno, si aan ugaarno horumar iyo hiigsi fog.Waa in aan ilaashano qarankeena, qabiilkana iska xoorno, waxaa naga badan Soomaalinimada, waana tiirka kowaad ee aan haysano.

Haddii lagu dhaho yaad tahay waxaad leedahay waxaan ahay 1. Adoon Alle 2. Waxaana ka ahay Muslim 3.Waxaana ka ahay Afrikaan 4.Waxaana ka ahay Soomaali. Intaas baa kugu filan oo ku deeqda, ruuxii kula soo aada wax kale waxaad ku dhahdaa ani Soomaali wax ka hooseeya malihiin, qabiilkaygu waa Soomaali, isagaana ideeqa oo aan ku faanayaa.

  1. Aqoonsi Qaran:–  Dalka jiritaankiisu waxaa Asal u ah waa in aad haysato aqoonsi qaran,  Haddii aadan haysan waxaa dhici karta in wax walba ku soowajahaan, waa lagu xirikaraa ama dowladeena ama dowlad kale. Haddii aad haysato aqoonsi qaran waa lagu siidayn waayo waxaad tahay ruux leh aqoonsi, dadkana waa lagaa aqoonsan waayo Kaadhka aqoonsiga waxa uu leeyahay nambar ugooniya “Serial Number”, waxayna fududaynaysaa in xogtaada sifudud loo helo.

Waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay qaataan Aqoonsigaas, dowladdana waxaan iyadana ku dhiirigelinayaa in ay ufududeyso shacabka Soomaaliyeed, meel walba, degmo walba iyo gobol kasta ka furato xafiis lagu baxsho aqoonsiga. Dowladda waxaa ufududaanayaa tirakoobka dadka, waxayna si fudud ugaarsiin kartaa addeegga bulshada oo ay ubaahanyihiin iyada oo lagu jaangoynaayo tiradooda saxda ah.Waxaana sidoo kale dowladda ufududaanaya sidii ay ku uruurin lahayd qaaraanka qaranka si dakhliga loo kobciyo, waddanka oo dhanna loo gaarsiiyo mashaariic horumarineed ileen cashuurta laga uruursho dadweynaha ayaa lagu horumariyaa kaabayaasha dhaqaale iyo dib udhiska wadooyinka iyo goobaha addeega bulshada lagu baxsho.

  1. Ciidan Qaran:- Tiirka keliya oo aan ku noqon karno qaran jira waa in aan haysano Ciidan xooggan oo awoodleh, una dhamaystiran waxa ay ubaahanyihiin sida, Agabkoodii ay ku howlgali lahaayeen, tababar, Xuquuqdooda oo dhan. Waayo askari aan haysan wax xuquuq ah waa ku adagtahay in uu ka shaqeeyo danta guud, waxaana meesha ka baxaya booskiisii, waxaana ku soodhiiranaya cadowgeena waayo cid ka celinaysaa ma jirto. Waana sababta waddan kasta xoogga usaaro in uu yeesho ciidan.

Waxa keliya ee lagugu qiimayn karo waa ciidan, haddii aadan haysan ma tihid dal xor ah iskiisna isku maamula waayo ciidanba ma haysatid.Dalka waxa uu ubaahanyahay in uu helo ciidan qaran oo ka difaaca cadowga, si ay udifaacaana waa in aan hiil iyo hoo lagarab istaagnaa ciidankeena hadday noqon lahayd xuquuqdooda iyo dhiirigelin joogta ah.Waa in aan dhisnaa ciidankeena iyada oo lagu xulanaayo aqoontooda, balwad la’aantooda, muwadinimada iyo waddaniyadda.Waa in marka latababaraayo lagu tababaraa waddaniyad si kal iyo laab ah si ay ufahmaan dalka in ay iyagu leeyihiin.

Talada aan soojeedin lahaa waxay tahay si la helo ciidan qaran, dalka ilaasha, cadowgana guulguula, waa in ay noqdaan kuwa ugu mushaarka badan waddanka, ugu xaqsiinta badan.Waxaa la helayaa ciidan daacad ah oo udiyaar ah in ay dalkooda difaacdaan meelna uga soo wada jeestaan cid kasta oo xad gudub ku ah.

FG:- Bulshada waxaad ogaataan in askarigu maalin iyo habeen taaganyahay qoraxda iyo dhaxanta, milicda korkiisa ayay ku dhammaataa, ma fariisto, ma nasto waa taaganyahay waxa uuna utaagan yahay waa sidii adi kuu difaaci lahaa, kuuna ilaalin lahaa. Waxayna dantoodii ku ilaaween in ay taada ilaashaan, calankooda difaacaan, ciidooda dhiiga uqubaan. Ninka noocaas saw ma haboona in uu helo xuquuq joogta ah iyo dhiirigelin abaalmarin iyo dalacsiinba isugu jirta?

  1. Garsoor:- Dal aan lahayn garsoor waa adag tahay in la helo caddaalad. Waayo ruux kasta waxa uu gaysan fal dambeyadeed haddii la soo qabto waa la siidayn waayo ma jirto garsoor madax banaan leh awood, qaanuun kala haga iyo aqoon. Waxaa fudud in qof kasta isku dayo in uu dadka dhaco, wuxuu doonana gaysto, hadhowna isaga oo xaragoonaya magaalada iska maro, saw dulmi ma ahan in qof maskiin ah la dhaco ama ladilo ruuxii falkaas gaystayna uusan sharcigu qaban karin?

Garsoorku waa midka ilaasha, dhowra qawaaniinta dalka uyaal, xaqqa siiya ruuxa dulman, sharcigana loo wada simanyahay madax iyo shacabba.Waa midka xukma haddii madaxweynaha dalka galo khalad ama dembi qaran waa awoodda keliya xukun kuridi karta.Garsoorku ma ahan mid qof iskaleeyahay ama koox, waa mid madax banaan oo cid walba usimantahay waa mid awood uleh shaqadiisa qaran, awoodna uleh in uu xukun caddaaladeed ku rido qofkii dembi gabood fal gaysta.Dal aan garsoon madax banaan lahayn waxaa ku bata qowlaysatada, dadka wax dila, tuugada wadankooda gata ama dad qiyaano qaran sameeya.Waa in aan helno garsoor madax banaan si caddaalad loo helo.

  1. Dowladnimo:- Dowladdu waxay ka kooban tahay saddex waa xood oo kala madax banaan haddana isku xiran oo wada shaqeeya, midna keligiis awood ulahayn in uu waxa uudoono sameeyo.

A). Waaxda fulinta: Waaxda fulintu waa waaxda fulisa hawlaha dawladda waana waaxda u qaabilsan in ay daboosho, qabatana baahiyaha bulshada iyo waxkasta oo dalku ubaahan yahay. Waaxda fulinta waxaa hormuud u ah Madaxweynaha, Ra’isalwasaaraha, wasiirada IWM talada ay gooyaan ayaa waddanka lagu hagaa.

B). Waaxda Sharci dejinta :- Waxay u qaabilsantahay waaxdaan samaynta sharciga iyo qawaaniinta dawladda lagu hago. Waana waaxda ugu shaqada badan waayo waxaa lagarabaa in ay ilaashaan oo dabo gal ku sameeyaan hay’adaha fulinta iyo garsoorka haddii ay baal maraan sharciga iyo qawaaniinta dalka uyaal.

C). Waaxda Garsoorka:– Waaxdaan waxay qaabilsantahay Caddaaladda, Saraynta iyo ilaalinta sharciga. Waana waaxda marjaca ah ee loo noqdo marka khilaaf yimaado oo xukunka ugu dambeeya  soo saarta. Waana mid fulisa, ilaalisa sinaanta, waana mid qabata qof kasta oo xadgudba.

Haddaba asaaska dowladnimada waa saddexdaas waaxood oo wadajir ushaqeeya, danta , dalka, dadka, iyo diinta. Haddii ay hagaagaan saddexdaan waxaa la helayaa dowlad wanaagsan oo qareen u ah qeybaha bulshada oo dhan. Waana midda keliya ee ina wada deeqda haddaan nahay shacab iyo xukuumadba.

W/Q: Maxamuud Axmed Muuse TallmanEmail.

Mahamudp2@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -