Daawo Sawirada: Guddiyo katirsan Golaha shacabka oo lagu wareejiyay xafiisyo cusub

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta qaar ka mid ah Guddiyada Golaha shacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan.

Guddiyada xafiisyada lagu wareejiyay waxaa ka mid ah.

  1. Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka.
  2. Guddiga difaaca ee golaha shacabka.
  3. Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.
  4. Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.
  5. Guddiga beeraha ee golaha shacabka.

Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa ka mahad celiyay kuna ammaanay Guddoomiyaha Golaha Shacaka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan sida dhaqsiyaha leh uu kaga jawaabay codsigooda.

“ Runtii xafiisyadaan cusub ee naloo dhisay wax weyn ayay shaqadeena ku soo kordhinayaan waana ugu mahad celineynaa Guddoomiyaha tallaabada wanaagsan ee uu qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba jibaaraan, maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.

“ Waxan ku guuleysanay inan dhammaan Guddiyada Golaha Shacabka aan u dhisno xafiisyo ay ku shaqeeyaan, hadda ka dib waxa ay ka maarmi doonaan shirarkii ay ku qabsan jireen hoteelada”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhabbeeyo balan qaadkii ahaa in guddi walbo uu helo xafiis u gaar ah.

“ Maanta aad bay ii farxad gelineysaa inan arko Guddi walbo oo leh xafiis u gaar ah, cid walbo oo gacan ka geysatay wa u mahad celinayaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal waxaa wareejinta xafiisyada waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), Habdhowra golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -