Dowlada oo Caawa ka hadashay in Shirka London lagu xaraashayo Shidaalka Somalia

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay shirka dhacaya magaalada London ee looga hadlayo arimaha shidaalka Soomaaliya iyo sidii maalgashi loogu sameyn lahaa.

War saxaafadeed caawa kasoo baxay Wasaarada Batroolka ayaa lagu sheegay in shirka ka dhacaya magaalada London ay soo qaban qaabisay Wasaarada , waxaana shirkan ka qeyb galaya maamulada dalka ka jira, ganacsato iyo shirkado Caalami ah.

Wasaarada Batroolka Soomaaliya Warka ay soo saartay ayaa lagu beeniyay in la xaraashayo  shidaalka Soomaaliya,waxa ayna Wasaaradu sheegtay in mudo qaadaneyso in la bixiyo leesin ama rukhsad shidaal qodos ah

Halkan Akhriso War Saxaafadeedka dowlada kasoo baxay

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa ummadda Soomaaliyeed inay u
taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka.

Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks).
Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama
rukhsad shidaal qodis (Licence) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -