Golaha amaanka ee QM oo bayaan ka soo saaray xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia

Golaha ammaanka ee QM oo kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada New York ayaa waxay ku falanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia.

Xubnaha golaha ayaa kulankooda diirada ku saaray weerarada xoogaga Al-shabaab ee ka dhanka ah fariisimaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMIOSM gaar ahaan weerarkii Buulo mareer.

Golaha Ammaanka ayaa waxay tusaale u soo qaateen weerarkaasi, waxayna tilmaameen in falkaasi ay aad uga xun yihiin oo ayna wadajir ah u cambaareynayaan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijinaya in Argagixisada dhammaan qaabkeeda iyo muuqaalkeedu ka dhigan yahay mid ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Nabadda Adduunka iyo ammaanka, waxaan ka xunnahay weerarkii dhcay 1-dii bishan, talaabo isbedel ah ayaa jiri doonta.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha.

Waxay intaa nku dareen baahida loo qabo in la keeno dembiileyaasha, qaban qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha ficillada argagaxisada, taas bedelkeeda ayay isku raaceen inay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan Ciidanka AMISOM.

Dhinaca kale War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu saxiixay amar lagu kordhinayo xaalada degdega ay Mareykanku kula tacaalayaan Burcad-Baddeeda iyo waxay ugu yeereen argagaxisada joogta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -