Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiin kale oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Daawo Sawirro)

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Somalia ahna guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Hassan Shiikh Mohamud ayaa gaaray Magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Xoghayaha guud ee Xisbiga Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaano labada aqal ee Baarlamanka ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad, siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xubno kale ayaa siyaabo kala gooni ah u gaaray magaalada Garowe iyagoo ka mid ah madaxda lagu casuumay caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa caawa la ciirciireysa, madax kala duwan oo tan iyo shalay ku qulqulayey si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Deni, amniga ayaa la xoojiyey, waxaana la filayaa in galabta ama beri subax uu halkaas gaaro wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -