DF oo markii ugu horeysay ka hadashay iscasilaada danjirihii Somalia u joogay Sacuudiga

Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Somalia Abshir Jaamac Huruse ayaa markii ugu horeysay ka hadlay iscasilaada Safiirkii dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudiga Saalim Macow Xaaji oo labo bilood ka hor shaqada ka tagay.

Abshir Jaamac Huruse ayaa sheegay in iscasilaada ka hor ay safiirka ku kulmeen magaalada Jeddah, uuna u sheegay inuu ka fekerayo sidii uu shaqada uga tegi lahaa sababo la xiriira caro uu ka qaaday khaladaad uu tabanayey in laga galay.

Wasiirku ma sheegin cida uu qaladka ka tabanayey, mana uusan faahfaahin.

wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan su’aalo weydiin ah oo uu la qaatay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS.

“Waxaan u sheegay in isagoo careysan uusan go’aan qaadanin, uuna arintaas ka fekero marka ay caradu ka degto maalin ka dibna wuxuu ii soo diray warqadiisii iscasilaada, waxaan isku dayey inaan la xiriiro oo aan la hadlo balse telefan waan ku heli waayey waan ka xumahay runtii talaabada uu qaaday, wuxuuna ahaa shaqsi hufan oo ku sifoobay dowlad jaceyl iyo wadaniyad” ayuu yiri Wasiirka.

Safiirkii dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa shaaciyey dabaqaayadii bishii May inuu iska casilay xilkaas, isagoo ka cabanaya madaxa hab-maamuuska Madaxweyne Xasan Shiikh Hinda Culusow.

Qoraal uu soo saaray danjiraha ayuu ku sheegay in laga hor joogsaday ka qeybgalka shir madaxeedkii 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah 19-kii May, 2023, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda Carabta oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Xassan Shiikh.

“Waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka Madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado bareer ah, waxaan dhacdadan la socodsiiyey Wasiirka arrimaha dibeda balse waa ka gaabsaday inuu fara geliyo Arintan oo baalmarsan curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu Madaxweynaha ka qeyb galayo,” ayuu ku yiri qoraalka.

Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay in Hinda Culusow ay kula dhaqantay qaab bahdilaad ah, ayna gaartay heer ay xitaa kala ilaaliso isaga iyo Madaxweynaha dalka uu metelo.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -