Faahfaahin: Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ku le’day Qarax dhulka loogu aasay

Miino dhulka lagu aasay ayaa la soo sheegayaa iney la kacday maanta gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Juballand khasaare xoog leh ayaana ka dhashay.

Gaariga ay miinada la la kacday ayaa ka mid ahaa kolonyo ciidamada Jubaland leeyihiin oo marayay inta dhaxaysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobbolka J/hoose sida wararku sheegayaan.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwo ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobley mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan halkaas booqanayey.

Ugu yaraan toban askari ayaa ku dhimatay qaraxaas halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaana weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -