Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoorqoor oo Muqdisho soo gaaray iyo xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta  soo gaaray magaalada Muqdish ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulka Gobolka Banaadir,  xubnaha labada aqal ee BFS, masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Safarka Qoorqoor oo ahmiyad gaar ah leh ayaa ku soo beegmay xili khilaaf meel adag gaaray uu soo dhex galay madaxweynaha xiligiisu dhamaaday iyo raisul wasaaraha xilgaarsiinta dalka.

Qoor-qoor ayey wararku sheegayaan inuu Muqdisho u yimid sidii uu dhexdhexaadin uga lahaa khilaafka ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble oo markan ka culus sidiii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta dul taagan banka Carafa, (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

DAAWO: Farmaajo oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey shacabka

Caydiid Ali

RW Khayre oo kulan la qaatay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---