Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo ka digtay in arrimo Siyaasadeed looga faa’iideysto Xaflada caleemo saarka

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga faa’iidaysto xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ee beri ka dhaceysa Garoowe.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu ay kala hadli doonaan martida khudbadaha ka jeedinaysa xaflada inay iska ilaaliyaan wixii arrimo siyaasadeed ah oo keeni kara iyo ereyada xanafta leh.

“Puntland ujeedo siyaasadeed oo gaar ah kama lahan inay Garowe isugu keento wufuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexeyso, balse muhiimadu waxay tahay in dowladdu muujiso inay qadarin u hayso mucaarad iyo muxaafid” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili dad badan ay walaac ka muujiyeen in arrimo siyaasadeed looga faa’ideysto xaflada caleemo saarka ee Puntland ay ku casuuntay madaxda federaalka iyo mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dr Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade

Firdhiye oo Magacaabay Guddiga iskaashiga Puntland & SSC

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Alper Aktaş kalana hadlay dhibaato dhacday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---