Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Alper Aktaş kalana hadlay dhibaato dhacday (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Kooxda Al Shabaab ayaa Khamiistii qarax miino ku dilay duleedka magaalada Muqdisho muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaa oo halkaasi ka waday howlo samafal ah uu ku caawinayay dad Soomaaliyeed oo tabaaleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Caan ah oo diiday in Gabar ku mehriyo 100-garaam oo Dahab kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Dowlada oo amar adag kasoo saartay dhul ciidanka leeyihiin oo boob lagu hayo

Cabdi Cade

Taliska Booliska Galmudug ee Gaalkacyo oo qaaday talaabo si weyn loo amaanay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---