Allbanaadir.com
NEWS

Dr Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka Doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmuug, waxaana doorashada ku tartamayay labada Musharax ee kala ah Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan .

Doorashada oo aheyd mid xamaasad gaar ah laheyd ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Musharax Dr Maxamed Nuur Gacal oo helay codad gaaraya 54 halka musharax Cabdinaasir Aadan Cusmaan isna helay codad gaaraya 34-cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah u noqday Dr Maxamed Nuur Gacal oo ku guuleestay doorashadii goordhaw dhacday sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada iyo gudoonka KMG ah.

Waxaa saacado kadib la filayaa in sidoo kale hoolka ka bilaabato Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka iyana ku tartamayaan labo Musharax oo saameyn badan ku dhax leh baarlamaanka Galmudug.

Waxii warar ah ee kusoo kordha doorashada kala soco Wararkayaga dambe insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan oo Muqdisho lagu dhaawacay

Caydiid Ali

Hoggaamiye Xi Jinping oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweyey Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdi culus oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo jidadka muhiimka ah oo xiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---