Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhax dhacay Guri kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw qarax xoogan uu ka dhax dhacay guri kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Owdweyne ee Degmada Dayniile, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Dayniile oon goordhaw la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka qaraxa, waxa ayna sheegeen in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxan ka dhacay guri ay dad degnaayeen.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay qaraxan miino oo ahaa mid guriga uu ka dhacay lagu dhax diyaarinayay , waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la tuhmayaa in ay wali ku jiraan miinooyin, waxaana goobta qaraxu ka dhacay hada jooga masuuliyiin katirsan maamulka degmada iyo saraakiil katirsan Nabad sugida iyo booliiska.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -