Dowlad goboleed 2aad oo u hanjabay odayaal u hogaansamay amarkii Al-Shabaab

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyey inay tallaabo adag ka qaadayaan Odayaasha dhaqanka degaannada Galmudug ee dhawaan iska diiwaangeliyay degaanada  Al-shabaab ay ka taliso.

Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay ka warqabaan Odayaasha gaaray degaanada Al-shabaab.

Waxaa uu ku hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan Odayaashaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo fulayo ah oo ogolaaday iney cadowga shacabkooda isu dhiibaan sida uu yiri

Taliye Gadaar ayaa sheegay in Odayaasha tagay degaannada Al-shabaab ee ka baxay Galmudug aysan ku laaban karin degaannada Galmudug, isagoo ugu baaqay inay halkooda joogaan ayna Maamulka Galmudug ula mid yihiin Al-shabaab.

Odayaasha kale ee ku fekera inay aadaan degaannada ay ka taliyaan Al-shabaab ayuu ugu baaqay inay ka waantoobaan, hadii kale ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Odayaal iyo ergooyin ka mid ah kuwii soo xulay xildhibaanada baarlamanka Somalia ayaa gaaray degaanada ay ka taliso Al-shabaab ka dib markii kooxdan ay u yeertay si baa la yiri ay u towbad keenaan.

Al-shabaab ayaa dhowaan ay bayaan soo saareen ugu qabtay odayaasha iyo ergooyinka iney 45 cisho ku yimaadaan degaanada ay ka taliyaan, iyagoo digniin ku bixiyey in odaygii ku iman waaya laga qaadayo talaabo adag.

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa horey ugu xirxiray degaano ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool odayaal dhaqameedyo u hogaansamay amarka Al-shabaab oo ku soo laabtay degaanada hoos taga maamulka, iyagoo sheegay iney ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -