Askar gubtay Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo madaxooda la dul dhigay Abaalmarin Lacageed

Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Jejniya ayaa ballan-qaaday abaal-marin deeq-sinimo oo muhiim ah oo loogu tala galay qofkii soo dila askar u dhalatay Ukraine oo muuqaal ay iska soo duubeen iyagoo ku xadgudbay, kadibna gubayo nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Hoggaamiyaha Jejniya oo Muuqaalkaasi dib u soo post gareeyey ayaa waxaa ka muuqday labo Nin oo u muuqday inay wateen labiska milliteriga Ukraine, kuwaasi oo dab qabadsiinayo baalal ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Qoraal uu hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Jejniya, Ramzan Akhmadovich Kadyrov soo dhigay BartiisaTelegram ayuu ku yiri:- “Waxaan shaacinayaa Abaalmarin dhan 5 milyan ee Lacagta Rubleska Raashiya oo u dhiganta 64,950 Dollarka Maraykanka, si loo cirib-tiro Xadgudubkaasi”.

Waxa uu hoggaamiyaha Jejniya sii raaciyey inuu laba jibaari doono abaal-marintaasi, haddii dadkaas kitaabka Qur’aanka Kariimka ku xad gudbay Nolol lagu soo qabto.

Qoraalkiisa waxa uu ku bidhaamiyey in lacagta abaal-marinta diyaar tahay isla marka tallaabo laga qaado askarta Ukraine ee gubay Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

”Lacagta waxay sugaysaa shaqsiga, Kooxda iyo dadka qaada tallaabadaasi soona dila ama soo qabtay askarta xad gudubtay, lana guddoonsiin doonta Lacagta Abaalmarinta oo dhan” ayuu yiri Hoggaamiye Ramzan Akhmadovich.

Waxa uunta intaa raaciyay inaan qofna laga yeeli doonin in lagu xadgudbo Kitaabka Qur’aanka Kariimka. isagoo sii raaciyey inuu rajeynayo in Ciqaabta Alle la gaarsiin doono kuwa Kufaarta ah, iyadoo loo sii marayo Dagaalyahanada.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -