Duqa Muqdisho oo booqashadii ugu horeeysay ku tagay Degmada Kaxda (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey degmada Kaxda ee galbeedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ku soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Mudane Maxamed Ismcaaiil Cabdulaahi ayaa sheegay in Kaxda ay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada, maadaama ay tahay degmdii ugu dambeysay ee ku soo biirta degmooyinka gobolka Benaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey wafdiga waxa uuna bogaadiyey isku duubnida bulshada degmada, asagoo balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan Amniga iyo datiseynta.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Dheere ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso horumarinta degmadan oo xiligan ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo aas-aas u ah nolosha.

Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in degmada Kaxda ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah oo u baahan gacan qabasho, isagoona ku baaqay in gurmad loo fidiyo, maadaama xiligan ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Dadka ku nool degmadaan waxaa ka mid ah barakacayaal oo waqti hore halkaan yimid iyo kuwo dhowaan ay abaartu soo barakicisay, kuwaas oo u baahan gacan qabasho iyo in laga fakero mustaqbalkooda. Waxaan u baahannahay in aan u jeedsano dhanka horumarinta si aan ku caawinno barakacayaasha in ay noqdaan dad wax soo saar leh oo naftooda ku filan”.Ayuu raaciyey guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in degmada Kaxda ay tahay meeshii ugu horeysay ee uu booqdo, taas oo ka dhigan in maamulkiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista horumarka iyo nabadgelyada degmada, isagoona xaqiijiyey in sanadkan 2018 qorshuhu yahay hirgelinta waxqabad muuqda iyo in doorashooyin la gaarsiiyo gobolka Benaadir.

Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenadiisa arrimaha amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -