Wasiir Saaxiib dhaw la ahaa Meles Zenawi oo xabsi la dhigay iyo sababta keentay

Ciidamada la dagaalanka Musuq maasuqa ee dowlada Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay Wasiir hore oo katirsanaa dowlada Itoobiya oo lagu eedeeyay in uu musuq maasuqay lacago badan oo dowladu laheyd.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warameysa in shalay gurigiisa laga xiray Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya , waxaa sidoo kale wasiirkan lala xiray sargaal sare oo dowlada Itoobiya isna katirsanaa.

Bereket Simon ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago badan oo loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric laga fulinayay gobolka Amxaarada, waxaana Wasiirkan hada ku socda baaritaano xoogan.

Wasiirkan la xiray ayaa saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul Wasaarihii geeriyooday ee dalka Itoobiya Males Zanawi, waxa uu sidoo kale Bereket Simon kamid ahaa xubnihii aas aasay xisbiga EPRDF ee haya ralada dalka Itoobiya.

Dowlada uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa xabsiga dhigtay ku dhawaad 100-qof oo u badan Saraakiil milatari iyo kuwa sirdoon oo loo heesto dambiyo ay galeen iyo sidoo kale musuq maasuq, waxaana laga cabsi qabaa in hadana la xiro masuuliyiin horey xilla usoo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -