Aabbe gabadhiisu ka diiday inay daryeesho oo dacwad u gudbiyey Maxkamad

Aabbe u dhashay Shiinaha ayaa maxkamad la fuulaya inantiisa oo ka diiday inay daryeesho kaddib markii uu ku dhaawacmay shil gaari. Gabadhiisa oo dhigata jaamacaddana, waxay ku gacanseyrtay codsiga aabbaheed usoo jeediyay – iyada oo sheegtay inaysan hakad gelin karin wax-barashadeeda.

Ninkan oo la yiraahdo Zhang wuxuu bilaabay inuu wicitaan iyo farriimaba u diro inantiisa in yar kaddib markii uu shil ku galay magaalada Puyang ee gobalka Henan. Wicitaankiisa badan awgeed, gabadha ayaa iska saartay block nambarkiisa. Si uu haddaba u dareensiiyo ciribta xun ee ficilkeeda, wuxuu kusoo dallacay lacag dhan 1,500 yuan ($215) inay mag dhow ahaan u siiso bil walba. Qodobka 26aad ee xeerka madaniga ah ee Shiinaha ayaa dhigaya in ilmaha qaangaarka ah looga baahan yahay inay gutaan waajibaadka daryeel iyo kaalmeyn ee waalidiintooda.

Iyada oo iska difaacaysa kiiska lagu soo oogay, waxay sheegtay inaysan awoodi karin waqtigaas inay usoo faaruqdo daryeelka iyo baxnaanada aabbaheed oo jaamacaddu aysan siin karin idan. Waxaa kale oo ay sheegtay in labo wiil oo iyada la dhashay ay joogeen oo looga maarmi karay xoogeeda.

“Wali waxaan ku jiraa jaamacad, mana ka maarmi karo gunnada aabahay isiiyo,” ayuu yiri. “Mana heli karo fursad aan ku baxnaaniyo.”

Wicitaanka joogtada ah ee aabbaheed ayay sheegtay inay ka qaaday wareer sidaas darteedna ay isaga xirtay nambarkiisa si ay kaga nasato.

Maxkamadda ayaan si kastaba, meel cad ka istaagin kiiska. Waxayna gabadha ugu yeertay inay isku waddo daryeelka aabbaheed iyo duruusteeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -