Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi waxa ay ku riday labo askari oo katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu helay in ay dil u geesteen labo qof oo shacab ahaa.
Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa loo heystaa in ay dileen Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed oo si wada jir ah ugu safrayay waddada agfooye 25-ka bishaii 9-aad ee Sanadii 2018.
Labada askari ee dilka geestay ayaa isbaaro dhigtay laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxaana askartan joojiyeen gaari caasi ah iyagoo ku amray in lacag baad ah bixiyo darawalka gaariga, waxaana darawalka xili uu lacag bixinayay xabad ku dhuftay Xasan Maxamed Cabdulle xabadaas ayaa sidoo kale dishay nin kale oo rakaab ahaa
Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay labada askari ee dilka geestay, waxaana laamaha amaanka ku wareejiyeen Maxkamada ciidamada qalabka sida oo u fadhiisatay kiiska labadan eedeysane.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay markaatiyaal wax laga weydiiyay  dhibaatadii dhacday, waxa ayna sheegeen dadkii ka hor hadlay fadhiga maxamadda in laba eedeysane midkood uu amray in uusan dhaqaaqin gaariga inta ay bixinayaan baad ay ka doonayeen, markii arrintaas timid ayaa darawalka gaariga garowsaday in uu iska bixiyo waxa laga rabo si noloshiisa uu bad-baadiyo.
Nasiib xumo eedeysane Xasan Maxamed Cabdulle ayaa go’aansaday in uu nolosha u aqoonsado darawalka gaariga iyo qof rakaabka kamid ah oo dhiniciisa fadhiyay.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in aysan qaban qof bixiyay baaddii laga rabay oo dambi kale aheyd in nolosha la dhaafiyo taasi oo muujineysa in Xasan Maxamed Cabdulle uu u bareeray daadinta dhiigga labada muwaadin.
Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa isaga ahaa caawiye, Â Sidoo kale lahaa qoriga dhacca lagu geystay, waxaana dadka markaatiyaasha ah sheegeen in uu bixiyay amarka ah in gaariga uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixinayo baadda laga rabay.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda in Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay waxa ayna maxkmadda ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qistaasta marxuumiinta  Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed  halka Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Labadan askari ee lagu riday xukunada kala duwan ayaa heesta fursad kale oo racfaan uga qaadan karaan Xukunka ay ku riday Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com