Shiikh Kenyaawi oo ka qeyb galay Xaflad ay lahaayeen Xisbiga UPD (Daawo Sawirro)

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo ka mid ah culimada Soomaalida ee qurba jooga ah dhowaana dib ugu soo laabtay dalka ayaa galabta ka qeyb galay kulan ay lahaayeen xisbiga UPD oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Kenyaawi ayaa ka qeyb galay xaflad loo qabtay  dhalinyaro la sheegay inay xisbiga UPD ku biireen, waxaana halkaasi ku sugnaa madaxda xisbiga sida Xasan Sheekh, Axmed Macalin Fiqi iyo C/raxman Odowaa iyo xubno kale.

Shiikha ayaa khudbad u jeediyey dhalinyarada halkaas iskugu timid, isagoo ku wacyigeliyey ka qeyb qaataan horumarka dalkooda,  dadkooda iyo diintooda oo uu sheegay inuu waajib ka saran yahay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay si weyn ugu mahad celinayan Sheekh Kenyaawi, wuxuuna intaas raaciyey inuu wado barnaamij wanaagsan.

Shiikh Kenyaawi ayaa dhowaan ku qabtay Magaalada Muqdisho muxaadaro diimeed cinwaan looga dhigay (CAFI WALAALKAA) oo uu kaga hadlayey qiimaha ay leedahay iney iscafiyaan shacabka Soomaaliyeed taasii uu sheegay iney aduun iyo aakhiraba ku liibanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -