Dhalinyaro lagu eedeeyey iney kufsi geysteen oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Afar dhalinyaro ah oo loo heysto iney geysteen kufsi wadareed ayaa galabta lagu soo bandhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa sheegay in dhalinyaradan afarta ah loo soo xiray fal kufsi ah oo dhowaan ka dhacay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud C/llaahi Max’ed Barre ayaa sheegay in raggan ay ku xiran yihiin saldhiga Booliska degmada Guriceel, dhowaana la soo taagayo Maxkamad.

Goobta aan ku soo bandhignay afarta nin waxaa joogay ehelada gabadha ay kufsadeen oo naga dalbaday in caddaalada mariyo, haatan baaritaan ayaa ku socda marka dacwadooda la dhameystiro sharciga ayaa lala tiigsan doonaa” ayuu yiri gudoomiyaha oo sheegay in shacabka degaanka ay si weyn uga argagaxeen falka kufsiga ah ee ay ku kaceen dhalinyaradan.

Dibed-bax looga soo horjeedo kufsigan ayaa sidoo kale maanta ka dhacay degmada Guriceel kaasoo ay ka qeyb galeen shacabka magaalaadaas, iyadoo arrinta ku saabsan kufsigan si weyn looga hadal hayo baraha bulshadda iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -