Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Qaraxyo caawa ka dhacay Baydhabo iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Dhowr qarax ayaa caawa fiidnimadii laga maqlay bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kuwaasoo khasaare nafeed geystay sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray magaaladaas.

Qaraxyada oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa ayey wararku sheegayaan in lagu weeraray hoyga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, marna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ee markii dambe is casilay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in kooxda bambooyinka tuuray ay ku baxsadeen gaari yar oo ay wateen.

Xildhibaanka la weeraray oo xiligaas ku sugnaa hoygiisa ayaa ka badbaaday bambooyinka gurigiisa lagu tuuray balse waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo kala ahaa askari ka tirsanaa ilaaladiisa iyo haweeney mareysay agagaarka guriga la weeraray.

Ciidamada amaanka Maamulka Koonfur galbeed ayaa gaaray goobtaas, iyagoo halkaas ka wada howlgalo baaritaano ah, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ay qaraxyadan ka soo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Imran Khan oo xilka laga tuuray shirqool Mareykanka maleegay

Cabdi Cade

Weeraro lala beegsaday goob hubka lagu keydiyo oo ku taalla Sacuudiga

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo War ka soo saaray xaalada ka taagan Afghanistan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---