Axmed Madoobe oo Marti-qaaday Madaxdii soo xaadirtay caleemo saarkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta duleedka Magaalada Kismaayo marti qaad ugu sameeyay Martidii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo saarkiisa.

Madaxda Martiqaadka loo samneeyay ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, siyaasiyiin kala duwan iyo xubno kale.

Sidoo kale, waxaa caawa ka socota Madaxtooyada Jubbaland xaflad balaaran oo lagu sagootinayo masuuliyiintan oo beri lagu wado iney ka soo kala dhoofaan halkaas iyagoo dib ugu laabanaya Magaalada Muqdisho, Garoowe iyo degaano kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -