Madaxweyne Uhuru oo Magacaabay xil siyaasadeed muran badan dhaliyay

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Fred Matiangi oo ah wasiirka arrimaha gudaha in uu noqdo madaxa guddiga awoodda badan ee Mashaariicda Horumarinta Qaran.

Waxaa laga yaabaa in ay kula noqoto magacaabis sahlan, balse durba waxa ay abuurtay fulkaanooyin siyaasadeed oo qabsatay warbaahinta Kenya.

Saakay boggaga hore ee Jaraa’idka waxaa lagu soo toosay iyada oo ay ku qoranyihiin in xilka Matiangi loo magacaabay uu meesha ka saarayo mas’uuliyadihii madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo isaga laftiisa hadal heyntiisa ay aad u badneyd dhawaanahan.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Keiyo South mudane Daniel Roho ayaa wargeyska Standard ku yiri “Waa arrin la yaab leh, sababtoo ah, dhammaan wasiirada waxa ay hoos tagayaan wasiir iyaga la mid ah”

Golaha Mashaariicda Horumarinta waxaa ku wada jira dhammaan wasaaradaha, xeer illaaliyaha guud iyo madaxa shaqaalaha rayidka ah , waxayna hadda kadib toos u hoos tagayaan wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi , kaas oo si toos ah warbixinta ula wadaagi doona madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama oga kaalinta madaxweyne ku xigeenka uu arrintan ku yeelanayo, balse waxaa muuqata in laga wareejiyay mas’uuliyaddo waaweyn oo miisaankiisa siyaasadeed kor u haysay.

Sida uu dastuurka Kenya qabo, madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayay tahay in uu shaqada uga hooseeyo madaxweynaha, xilkiisana waa kormeer iyo hormuudka shaqada wasaaradaha.

Dhibka jira ayaa ah in golahan qaran uu ahaa mid horey u jirey, islamarkaasna uu hormuud ka ahaa madaxweyne ku xigeenka.

Uhuru iyo Ruto ayaa markii labaad si wadajir ah loosoo doortay sannadkii 2017-kii, waxaase jirta in sida dastuurka uu qabo madaxweynaha uusan mar seddexaad isa soo sharixi karin marka la gaaro sannadka 2022-da.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -