Madaxweyne Trump oo weji gabax kala kulmay codsi uu u diray Madaxda Sweden

Booliska Sweden ayaa xiray Fanaan kasoo jeeda Dalka Mareykanka kaasoo lagu magacaabo Asap Rockey.

Fanaankan ayaa lagu eedeeyay gaboodfalo ay ku jiraan kufsi waxaana ku socda baaritaan la xiriira dembiga loo heesto iyadoo dowlada ay diiday inuu banaanka ku sugo inta uu kiiska socdo.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay Fariin ayaa dowlada Sweden ka dalbaday sii deynta fanaanka xiran.

Ra’isul Wasaaraha Sweden ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Trump uu kala soo xiriiray kiiska Fanaankaasi xiran laakiin waxa uu sheegay in marna uusan dhinac dhaafi karin Sharciga Sweden.

Wasiirada Arimaha dibada Sweden ayaa dhankeeda ka hadashey kiiska fanaanka waxayna sheegtay in sharciga Sweden loo siman yahay isla markaana laga warsugayo baaritaanka kiiska.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii Fanaaniin caan ah oo u dhashay Dalka Mareykanka ay ku cadaadiyeen sii deynta fanaanka xiran inuu ka shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -