Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo la dhaariyay Ammar cusubna la siiyay (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa Qasriga Madaxtooyada uga qeyb galay, munaasabad casho sharaf aheyd oo lagu dhaarinayay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka oo kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan hufnaan iyo karti ay ku gutaan waajibaadka saaran ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Galmudug ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka dowlad dhiska, maamul daadajinta iyo dimuqraadiyadda.

Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Dowladda Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho ”Haloo sheego Xildhibaan Fiqi in Shacabka aysan raali ka aheyn Qaswade ”

Cabdi Cade

Maxbuus dil ku xukunaa oo si layaab leh uga baxsaday Xabsi kuyaala Puntland

Cabdi Cade

Askar katirsan Booliiska oo Qur’aan Akhris lagu abaalmariyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---